U bood dhigaalka

Koox hubaysan oo gaari rakaab ah dhac ugu geystay duleedka deegaanka Janaale ee Shabeelaha Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Koox hubaysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay dhac baahsan u geysteen shacab saarnaa gaari rakaab ah, kaa oo kasoo amba baxay deegaanka Janaale ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Gaarigaan oo ahaa nooca loo yaqaano Homey ayaa wararka waxay sheegayaan in uu kasoo amba baxay deegaanka Janaale isaga oo kusoo wajahnaa dhanka degmada Afgooye.

Darawalka gaarigaan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay Goobjoog Fm in dhamaan dadkii rakaabka ahaa laga qaatay wixii ay wateen, sidoo kale majiro dhibaato kale oo dadka shacabka ah la gaarsiyay.

Maalmahaan dambe ayaa inta u dhaxeysa Afgooye iyo Janaale waxaa kusoo badanaayay xilliyada habeenkii ah dhaca loo geysnaayo gaadiidka rakaabka ah ee halkaasi isticmaala.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News