U bood dhigaalka

Koox Hubeysan Oo Rasaas Ku Furtay Baabuur Marayey Inta u Dhaxaysa Muqdisho Iyo Jowhar

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo Isbitaalka dhexe ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in maanta la dhigay dhaawaca Labo qof oo isugu jira darawal iyo qof shacab ah.

Dadkani ayaa ku soo dhaawacmay rasaas lagu furay gaarigii ay saarnaayeen iyagoo socday inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir.

Maamulka isbitaalka dhexe ee Jowhar ayaa weli wax faahfaahin ka bixin dhaawacyada dadkaasi loo geystay.

Labada qof ee dhaawaca ah ayaa mid wuxuu ahaa darawalkii baabuurka wadayay halka midka kalena uu ahaa shacab oo maleeshiyada hubeysan ay rasaasta ku furtay.

Saraakiisha ciidanka dowladda federaalka oo ku sugan halka ay wax ka dhaceen oo Goobjoog ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan sida dhacdada ay u dhacday iyo waxa keenay.

Baabuurkani rasaasta lagu furay ayaa ka shaqeynayay degaannada gobolka Shabeellaha Dhexe inkastoo markii la rasaaseynayay uu darawalka wehlinayay hal qof oo kaliya oo isna dhaawac ah.

Mararka qaar waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar iyo degaannada kale ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhaca in sidan oo kale loo rasaaseeyo baabuurta rakaabka eek u safra wadaddooyinkaasi iyo sidoo kale kuwa sida shixnadaha ganacsi.

Goobjoog News