U bood dhigaalka

Koox Hubeysan Oo Weerar Ku Qabsatay Hotel Ku Yaalla Dalka Mali

Sheeko:Dalka

Koox hubeysan ayaa maanta weerar waxay ku qaadeen Hoteel lagu magacaabo Radisson Blu oo ku yaalla magaalada Bamako oo caasimad u ah dalka Mali.

Raggan hubeysan oo gaaraya 4 qof ayaa la sheegay in hoteelka ay ku qabsadeen 170 qof, iyaga oo dilay Seddax ka mid ah dadkii lagu qabsaday Hoteelka.

Ciidamada ammaanka dalka Mali iyo kuwa Qaramada Midoobay ayaa isku hareereeyay Hoteelka, kuwaasi oo doonaya inay dadkaasi guud ahaan soo wada badbaadiyaan.

Wararka horudhaca ah ee halkaasi laga helayo waxay sheegayaan in ciidanka ay banaanka usoo saareen 80 ka mid ah dadka afduuban, iyaga oo dabaq dabaq ugu gudbaya dhismaha Hoteelkan.

Dadka qaar waxaa la sheegay in ragii hubeysnaa ay soo daayeen, ka dib markii dadkaasi la sheegay in la weydiiyay aayado Qur’aan ah, islamarkaana intii garatay la fasaxay.

Dhinaca kale faransiiska oo gumeystay wadankaasi ayaa ciidan gaar ah u diray hotelka dadka lagu haysto, waxaana weli xaaladda ay tahay mid qasan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News