U bood dhigaalka

Kooxa hubaysan oo weerar ka geystay gobalka ka tirsan dalka Jabuti

Sheeko:Amniga

Dowladda Jabuti ayaa sheegtay in koox hubaysan ay habeennimadii xalay ahayd ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada Jabuti ay ku lahaayeen gobalka Tadjourah.

Wasaaradda difaaca dowladda Jabuti ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Koxdaa Argagaxiisa ah oo loyaqanoo (Furudka hubaysaan ) ay xalay Abaare 02 dii habeennimo weerar gaadmo ah ku so qaday Kooxdaasi Ciidanka Djiboutii ee fadhigoodu yahay Meesha looyaqaano Garabtisan oo ka tirsan gobalk Tadjourah.

Ciidanka dowladda Jabuti ayaa iska caabiyay kooxihii weerarka soo qaaday, waxaana weerarka ciidanka uga dhintay 7 askari, waxaana dhaawac uu soo gaaray 4 askari, halka la waysan yahay 6 askari oo kale.

Dowladda ayaa bilawde baaritaanno ku aaddan kooxda weerarka soo qaadday iyo ciddii ku lug lahayd weerarkan lagu soo qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda Jabuti ay ku lahaayeen gobalka Tadjourah.
Goobjoog News