U bood dhigaalka

Kooxaha Heegan Iyo Elman Oo Leh Kulan Aad U Adag Oo Ka Tirsan Horyaalka

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha kubadda cagta Heegan iyo Elman ayaa wada leh kulanka aad ugu todobaadkan horyaalka Somali Premier League fasal ciyaareedka 2018-2019.

Naadiga Heegan kulankoodii horyaalka waxa ay 1-0 kaga adkaadeen dhigooda Badbaado FC kulan ciyaareedka ay labada dhinac wada ciyaareen 11-02-2018.

Kooxda jaalayaasha ee Elman iyagana Kulankii 1-aad horyaalka Somali Premier League 2018-2019 waxa ay barbaro 0-0 la dhaafi waayeen dhigooda Horseed.

Labada koox waxaa ka dhaxeeyo xifaaltan adag oo dhinaca ka qeyb galka tartamada olalahan waxayna kooxd kasta doonaysa in ay guul muhiim ay gaarto.

Kulamadii U Danbeeyay Labada Dhinac

24/01/2018      Heegan S.C      4:1       Elman FC

28/03/2018      Elman FC         1:2       Heegan S.C

18/11/2016      Heegan S.C      0:2       Elman FC

17/02/2016      Elman FC         1:1       Heegan S.C

08/05/2016      Heegan S.C      0:0       Elman FC

20/03/2017      Elman FC         0:0       Heegan S.C

06/07/2012      Heegan S.C      0:3       Elman FC

24/10/2012      Elman FC         1:3       Heegan S.C

Ogeysiiska Kulanka

Tartanka-Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha-Heegan VS Elman

Tariikhda-19-02-2019

Maalinta-Talaado

Saacada:-3:30pm

Garoonka-Banaadir Stadium