U bood dhigaalka

Kooxaha Ku Loolama Libya Oo Heshiis Saxiixaya

Sheeko:Amniga

Kooxaha ku loolama dalka Libya ayaa lagu wadaa in isniinta ay saxiixaan heshiis iyo xabad jiijin rasmi ah, wada hadalka waxaa uu ka socdaa caasimadda Ruushka ee Moscow .

Kooxda uu hoggaamiyo  Khaliifa Xaftar ayaa ogolaatay xabad joojinta, waxaana la sheegayaa inuu dhaqan galay xalay saqdii dhexe.

Arrinta xabad joojinta ah waxaa ay ka dambeysay kulan todobaadkii hore dhexmaray madaxweyneyaasha Ruushka Putin iyo Turkiga Erdogan.

Dagaalka ka socda Libya waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen dad tiro badna halka ay ku barakaceen in ka badan 300,000

Goobjoog News