U bood dhigaalka

Kooxda Dekedda Oo Markii 3-aad Ku Guulaystay Horyaalka Somalia Premier League

Sheeko:Cayaaraha

Da’daal dheer ka dib maamulka kooxda kubadda cagta Dekedda ayaa u mahad celinayna ciyaartooyda oo markii saddexaad oo xariir ah ku guulaystay tartanka horyaalka Somalaia Premier League.

Guddoomiyaha kooxda kubadda cagta Dekedda Cabdullahi Faarax Cusmaan ayaa u mahad celiyay xidigaha kooxdiisa sida wanaagsan ay ugu dhabar adeegeen hamigeeda hanashada horyaalka wuxuuna bogaadiyay  ciyaartooyda ajaanibta oo iyagana kaalin wanaagsan kulahaa guulaha taariikhda ay kooxda samaysay.
Cabaas Amiin Maxamed oo ah kabtan kooxda Dekedda kuna hadlay magaca ciyaartooyda ayaa sheegay in guushan aysan imaan laheyn hadii ay si wadajir ay isku kaashan laheyn maamuulka iyo ciyaartooyda .

Xoghayaha kooxda Dekedda Cabdullahi Bashiir Kuwaataro ayaa qeexay maalintii ay heleyn macallin Yuu-Cali in ay ka baxeyn baahida dhinaca hanashada koobabka iminkana ay ku guulaysandoonaan tartamada kale ee kooxda kusoo wajahan sanadaha soo aadan.

Tababaraha kooxda kubadda cagta Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) ayaa ciyaartooydiisa kaga mahad celiyay tariikhda ay sameeyeen, iminkana laga rabo in aysan is dhigin oo ay difaacdaan koobabka ay kusoo kodhiyeen xafiiska naadiga Dekeddaha Football Club.

Cabdullahi Muxidiin Siyaad oo ka mid ah maamulka Dekedda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay guulaha lama iloobaanka ay ka gaareen tartanka horyaalka Somalia Premier League si wadir ahna uu ugu mahad celinayo qof walbo oo ka qeyb qaatay safarka hanashada horyaalka kubbadda cagta dalka

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Maamulka Kooxda Dekedda Oo Mahad Celinaya Xidigahooda

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/378430649543182/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle