U bood dhigaalka

Kooxda Dekedda Oo Soo Gaba Gabeesay Hanashadii Koobka Somali Super Cup 2018

Sheeko:Cayaaraha

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ay kooxda kubbadda cagta Dekedda ku guulaystay koobka Somali Super 2018 oo loo dhigo naadiyada hanata Koobabka horyaalka Somali Premier League iyo Jeneraal Daa’uud

Dekedda ayaa sanadkii labaad oo xariir ah hanatay horyaalka Somali Premier League waxayna koobka Super Cup-ka kaga guulaysteyn xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo horay la oran jiray Banaadir SC,xili ciyaartaas ay ku dhamaaty 3-0 ay guusha ku qaateen xidigaha Dekedda.

Guddomiyaha kooxda Dekedda Cabdullahi Faarax ayaa hambalyo u diray ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxdiisa wuxuuna sheegay tan iyo kolkii uu la wareegay hogaaminta kooxda ay samaysay is badalo iyo horomaro kala duwan dhinaca ka qeybgalka tartamada gudaha iyo dibadda.

Waxaan da’daalay usoo galnay ku guulaysiga koobkii ugu muhiisanaa tartamadii la dhigay sanadkii lasoo dhaafay 2018 hiigsiigeenu waa in aan noqonaa kooxda ugu guulaha kubbadda cagta dalka waxaa sidaas igu waramay qaar ka mid xidigaha xafidanaya horyaalka Somali Premier League ee Dekedda.

Maamulka kooxda Dekedda waxa ay fursad siiyeen in ay kooxdoodo u dheelan xidigo badan oo kasoo kala jeedo dalalka qaarada Afrika Reymand oo asal ahaan kasoo jeeda Nigeria,balse qaatay dhashalada wadanka Kenya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay horomarka guulaha uu la gaaray kooxdiisa,isagoo intaa ku daray in aad ula qabsaday nolasha Soomaaliya.

Daa’uud Cabdullahi Tubaale waa haldooradii soo maray kooxda L.L.P Jeenyo sanado badan ayuu ciyaaray koobka Somali super intii uu joogay L.L.P,isagoo dhanka kale sanadkiisii kowaad kooxdiisa Dekedda la hantay horyaalka Somali premier League iyo Somali Super Cup.

“Isku xernaanta ka dhaxaysa maamulka,macalimiinta ,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxdeena ayay ku timid guulah is xig xiga ee aanu gaarnay tan iyo 2016,yoolkeena waa in aan soo saarnaa xidigo tayo leh iyo in aan meel wanaagsanaa ka gaarnaa tartamadda kubbadda cagta gudaha dalka iyo qaarada” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay layliyaha kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo labadii sano laga soo gudbay Dekedda u qaaday labo horyaal iyo Super Cup-ka.

Sida laga soo xigtay macalimiinta Dekedda waxa ay haminayaan in sanadkii saddexaad oo xariir ah ay hantaan horyaalka iyo tartamadda kale ee kusoo wajahan hadii ay dhacdana waa tariikh cusub.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dareenka Ciyaartooyda Iyo Hanashadii Koobka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/333448137269053/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle