U bood dhigaalka

Kooxda Dowladda Hoose Oo Ku Guulaystay Horyaalka Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubbadda cagta Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2019-2020 waxayna u noqonaysaa kookii kowaad ay hantaan horyaalka dalka tan iyo markii ay qaateen magaca caasimada bishii November 2018.

“Allah ayaa ku mahadsan mudo ka dib in aan ku guulaysano horyaalka Soomaaliya,waxaan u soo marnay mudo dhowr oo dhibaatooyin badan,waxaan u mahad celinaynaa kooxihii aan la tartamayay iyo dhamaan ciyaaryahanadii ka qeyb galay horyaalka Soomaaliya 2019-2020” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh.

Dhinaca kale tababaraha kooxda Muqdisho City Club Maxamed Mestiri Lamjed oo ka soo jeeda Wadanka Tunisiya ayaa ku guulaystay horyaalka Soomaaliya,isagoo kooxda maamulaya mudo sanad ah wuxuuna noqonayaan macallinkii ugu horeeyay oo ka soo jeeda Tuniisiya oo qaada horyaalka.

“Guushan waa mid taariikh ah waxaan u mahad celinaynaa qof kasta oo ka qeyb qaatay waxa ii aheyd sanadkii kowaad ee aan ka qeyb galo horyaalka Soomaaliya waxaan ku bartay waxyaabo badan,balse ma iloowidoono taageerayaasha Muqdisho City Club kaalinta ay ka qaateenka howshan”  ayuu Goobjoog Sports ugu waramay macallinka naadiga Muqdisho City Club Maxamed Mestiri Lamjed.

Si kastaba waxaa kooxda Muqdisho City hanashada horyaalka ugu hambaleeyay kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta Soomaaliya iyo sidoo kale Xiriirka Kubbadda Cagta Mamul Goboleedyada.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle