U bood dhigaalka

Kooxda Dowladda Hoose Oo Ku Wajahan Maamul Goboleedyada Muxuuse Yahay Qorshahooda

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa sheegay in ay safar shaqo ku bixindoonaan maamul Goboleedyada,iyagoo halkaa ku dhaleeya kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan gobolada wuxuuna hadafka ugu weyn ay arinta tahay wada shaqeen dhexmarta kooxaha kala gedisan ee ka dhisan Soomaaliya.Guddoomiyaha naadiga Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa Goobjoog u sheegay in ay kooxdiisa ciyaaro saaxiibtinimo u aadayso dhamaan Maamul Goboleedyada dalka,balse iminka ay ku hormarayaan Puntland,iyagoo halkaa kulamo saaxiibinimo kula ciyaaraya naadiyada ka dhisan Puntland.

Guddoomiyaha xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa kooxaha kubbadda cagta kula dardaarmay in ay tababaro iyo kulamo saaxiibtinimo sanad kasta u aadaan caasimadaha kale ee wadanka,isagoo sheegay in ay qeyb weyn ka qaadanayso horomarka kubbadda cagta Soomaaliya.

Inta badan oo ka tirsan ciyaartooy ku nool Maamul goboleedyada waxaa fursad ah kasoo muuqshada tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada Gobolka Banaadir guddoomiyah Muqdisho City Abuuka Maxamed Sheekh ayaa sheegaya in booqashooyin hadii ay badiyaan lagu helayo wax badan oo horomar u ah.

Cabduulahi Faarax Daguur oo ka mid Falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa qaba aragtan in loo baahnaa waqti hore,isagoo dhinaca kale madaxda ciyaaraha usoo jeediyay in fiinalaha tartamada kubbadda cagta lagu qabto caasimadaha kale, si is dhax-galka bulshada iyo xiisaha tartamada gudaha ay u balaartaan.

Halkan Ka Daawo Warbixin Safarka Ay Muqdisho City Club Ku Aadayso Maamul Goboleedyada

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1100316703676909/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle