U bood dhigaalka

Kooxda Horseed Ayaa Ku Guulaystay Koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse 2019

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed Sports Club ayaa 3-2 kaga badisay dhigeeda Muqdisho City Club,iyagoo wada dheelay fiinalaha tartanka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse 2019 waana sanadkii labaad oo xariir ah ay labada naadi soo tiigsanayaan kama dambeystan tartankan.

Kulankan ayaa waxaa 3-2 ku badiyay wiilasha uu hogaamiyo macallin Cabdi Joon ee Horseedwaxaana goolasha labo ka mid ah u dhaliyay ciyaarayahan Xasan Cabdi Nuur,halka goolka kale uu ansixiyay laacib Maxamed Shiine,iyagoo markii kolkii lixaad u dabaal dagay hanashada koobka Jeneraal Daa’uud.

“Waa ku faraxsanahay guushan qiimaha badan waxaan kusoo bixinay da’daal dheer waxaan u mahad celinaynaa maamulka,ciyaaryahanada iyo taageerayaasha kooxda oo juhdi wanaagsan bixiyay tani iyo bilaawgii koobka Jeneraal Daa’uud” ayuu Goobjoog ugu waramay tababaraha Horseed Cabdi Joon.

Dhinaca kale guddoomiyaha kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa soo dhaweeyay guushan muhiimka ay kooxdiisa ka samaysay koobka sanadalaha ee Jeneraal Daa’uud .

“Wiilashayda way mahadsanyihiin waxay fuliyeen balantii aan ku balanay ee aheyd hanashada koobkan qiimaha badan u leh naadiga Horseed waan bogaadinayaa da’daalka iyo shaqada adag ay soo bandhigeen intii uu socday tartankan,sidoo kale waxaan u hambaleynaynaa kooxihii kale ee aan kawada qeyb galnay koobkan” ayuu Goobjoog u sheegay guddoomiyaha kooxda Horseed Dr.Maxamed Axmed Maxamed.