U bood dhigaalka

Kooxda Jeneraal Daa’uud Ayaa Ku Guulaystay Tartankii Lagu Xusayay Laacibkii Hore Xulka Qaranka Soomaaliya Maxamed Xaaji Aadam (Uurey)

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay tartankii lagu maamuusayay xidigihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya marxuum Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) waxaana ciyaaartii fiinaalka wada dheelay kooxaha Jeneraal Daa’uud iyo Asal 24, Iyadoo guusha iyo koobka ay qaateen xidigaha Jeneraal Daa’uud ee ka socday degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah laacibiinta naadiga Jeneraal Daa’uud oo la hadlay Goobjoog ayaa  sheegay in ay ku faraxsanyihiin hanashada guusha iyo koobka,iyagoo u mahadceliyay guddigii soo abaabulay tartankankii lagu maamusayay laacib Maxamed Adam Uureey.

Guddoomiyaha isboortiga degmada Yaaqshiid Xasan Tahliil ayaa u mahad celiyay ciyaartooyda ka socotay degmadiisa ee ku guulaystay tartankii lagu maamusayay xidigihii hore LLP Jeenyo iyo Gobolka Baay Maxamamed Xaaji Aadam (Uurey)

Guddigii soo qaban qaabiyay qabsoomida ciyaarihii lagu maamusayay marxuum Uurey ayaa u mahad celiyay dhamaan ciyaaryahanadii iyo kooxihii ka qeyb galay,iyagoo hambalyo qaas u diray ciyaaryahanda Jeneraal Daa’uud ee nasiibka u yeeshay in ay ku guulasytaan tartankii lagu xusayay laacib Maxamed Xaaji (Uurey).

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxda Ku Guulaystay Tartankii Lagu Xusayay Laacib Uurey

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle