U bood dhigaalka

Kooxda Kubbadda Cagta Dekedda Oo Ciyaar Xiiso Badan La Qaadanaysa Dhigeeda Jazeea Sports Club Kulan Ka Tirsan Horyaalka

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda horyaalka Somalia Premier League difaacanaysa labadii sano lasoo dhaafay ee Dekedda ayaa kulan ciyaareed adag la leh dhigeeda Jazeera Sports Club.

Dekeda Football Club Kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay guul daro 1-0 kasoo gaartay kooxda Horseed waxayna u aheyd guul daradii ugu horeesay kol ciyaareedkan soo gaarta tan iyo markii uu bilaawday horyaalka.

“Guuldarada waa qeyb ka mid ah kubbadda cagta waxaana nahay kooxda horyaalka waan in aan aqbalnaa wax Walbo oo naga soo gaara kulamado horyaalka,yoolkeena waa in aan markii saddexaad hananaa horyaalka Somalia Prmier Legaue”waxaa kulanka ka hor Goobjoog Sports u sheegay Yusuf Ali Nuur oo ah Macalinka Dekeda Football Club .

Xidigaha kooxda Jazeera Sports Club ciyaartooydii u danbeesay iyagana horyaalka waxa ay guul daro 3-2 kasoo gaartay dhigooda Elman-Sports Club.

“Waxaana wajahaynaa kooxda horyaalka difaacanaysa waxa ay haystaa ciyaartooyda adag,balse anaga ahaan kama liidano waxaan diirada saaraynaa in aan soo bandhigo kubbadda aad u saraysa oo ay ku qancaan taageerayaasheena ”waxaa Goobjoog Sports ugu waramay Cabdi Bootaan oo layliyaha kooxda Jazeera Sports Club.

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka-Horyaalka Somali Premier League
Kooxaha-Dekedda VS Jazeera Sports Club
Tariikhda-20-03-2019
Maalinta-Khamiis
Saacada:-3:30pm
Garoonka-Banaadir Stadium