U bood dhigaalka

Kooxda kubbadda Cagta Heegan Ayaa Ku Guulaystay Koob Lagu Maamuusayay Geeradii Allaha U Naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubbadda cagta Heegan ayaa ku guulaystay koob lagu xusay Allah Naxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV oo u dhintay qaraxyo ka dhacay agagaarka tiyaatarka qaranka 22-December 2018 waxaana xidigaha Heegan 2-1 ka adkaadeen kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club,waxaase  tartankan ka qeyb galay kooxaha kala ah Heegan,Muqdisho City Club,Elman iyo L.L.P Jeenyo.

Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo ah la taliyaha isboortiga Gobolka Banaadir ayaa u mahad ceiyay dhamaan kooxihii ka qeyb galay tartankii lagu xusay wariye Cawil Daahir Salaad oo maalimihii lasoo dhaafay ka socday garoonka Banaadir ee degmada Cabdi  Casiis,isagoo sheegay in loo baahanyahay in marwalbo xuso dadkii usoo shaqeeyay wadanka dhinac kasto ay bulshada ugu jiraan.

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in koobkan ahaa mid lagu xusay mid ka mid haldooradii warbaahinta dalka soo maray marwalbana sidan oo kale ay xusidoonaan xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Qaar ka mid ah maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda ayaa in la hadlay kulan ka dib,iyagoo  u mahad celiyay kooxahii ay la ciyaareen tartankii loo dhigay,dhinaca kale waxa ay tacsi u direen qoyskii uu ka baxay Cawil Daahir Salaad iyo dadkii kale ee ku dhintay qarxayadii ka dhacay agagaarka tiyaartaka qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa sheegay in wali la xasuusaynayo wanaagii iyo wax tartarkii uu lahaa wariye Cawil Daahir Salaad loona baahan yahay in loo duceeyay,geesta kale gudoomiye Yariisow waxa uu u mahad celiyay dhamaan dadkii kasooo shaqeeyay koobkii qiimaha lahaa ee lasoo gababaeeyay caasimada.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan koobii lagu xusay Allah Naxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/289795428395902/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle