U bood dhigaalka

Kooxda Kubbadda Cagta Som United Oo Lagu Soo Dhaweeyay Guul Daro

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa Kulankii kowaad ee saaxiibtinimo caasimada kula ciyaartay wiilasha Muqdisho United waxaana ciyaartaas 1-0 ku badiyay kooxda Muqdisho United oo dhawaan usoo gudubtay horyaalka .

Tababaraha kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir oo la hadlay Goobjoog waxa uu sheegay in uu aad ugu farax sanahay in kooxdiisa ay ciyaarto Muqdisho u jeedka kulankan uu ahaa is dhaxgal bulsho iyo ciyaar saaxiibtinimo iyo in ay is bartaam dhalinyarada gudaha iyo kuwa qurbaha.

Halkan Ka Aqriso Kulamada kusoo wajahan Som United

24-12-2018-Som United VS Madbacada

26-12-2018– L.L.P Jeenyo VS Som United

28-12-2018-Som United VS Muqdisho City

Isku soo wada duub waa kooxdii Saddexaad oo sanadkan ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho  imaanaysa dalka waxaana arintan bogaadiyay bahda ciyaaraha wadanka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1972324629527654/