U bood dhigaalka

Kooxda Kubbadda Cagta Som United Oo Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda kubbadda cagta Som United ayaa siw eyn loogu soo dhaweeyay caasimada Muqdisho,iyagoo u yimid ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho waxayna kooxda ka ciyaartaa horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden.

Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ah madaxa wafdiga kooxda Som United ayaa sheegay u jeedada ugu weyn safarkooda uu yahay in xirfadlayaasha ka ciyaara qurbaha iyo kuwa gudaha ay is bartaan.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiir Maxamed Diiriye oo garoonka kusoo dhaweeyay wafdiga kooxda Som United ayaa sheegay in macalimiinta iyo ciyaartooyda qurbaha wax ku bartay ay qeyb ka yihiin horomarinta ciyaaraha loona baahanyahay doorkooda.

Gudoomiyahay xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo isna goobta ka hadlay waxa uu sheegay in sanadaha soo aadan ay socondoonaan booqashooyinka kooxaha qurbaha hadafka laga lee yahay ay tahay in si wadajir loo xooiyo xulka qaranka.

Ciyaartooyda ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin imaatinka caasimada Muqdisho iyo in ay la ciyaarayn kooxaha ku dhisan gudaha,iyagana ay diyaar u yihiin doorkooda horomarinta ciyaaraha.

Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ah gudoomiyahay ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay maamulka iyo macalimiinta So United qaabka wanaagsan ay isku soo abaabuleyn,isagoo tibaaxay in kooxdan laga heli karo xirfadlayaal aad u wanaagsan oo kaalin wacan ka qaadan waajibaadka xulka qaranka.

Xiriirka kubbadda cagta ayaa Ciyaartooyda Som United u qorsheeyay ciyaaro saaxiibtinimo maalmaha ay joogan caasimada waxa ay booqandoonaan meelaha tariikhiga si dhalinyarada ku barbaaray qurbaha ay u arkaan horomarka ka jira dalkooda waana kooxdii Saddexaad oo qurbajoog ah sanadkan imaanaysa wadanka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinka Kooxda Som United

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/575521292897513/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle