U bood dhigaalka

Kooxda Melbourne Oo Sanadkii Saddexaad Ciyaaro Saaxiibtinimo Iyo Is Dhaxgal Bulsho U Imaanaysa Soomaaliya Waxaana Arinta Bogaadiyay Bahda Ciyaaraha

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Melbourne ee jaaliyada dalka Australia ayaa caasimada Muqdisho soo gaartay sanadkii labaad oo xariir ah,iyagoo sidoo kale safaro kale kusoo maray magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo tan iyo dhamaadka bishii hore Novermber.

Gudoomiyaha kooxda jaaliyada Melbourne Xuseen Xarakow ayaa sharxaad ka bixiyay safarkoodii Saddexaad ee sanadkan isagoo sheegay safaradooda ay xinbaarsanyihiin caawin iyo dhaxgal bulsho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabddiraxmaan Cuamar Cusmaan ayaa wafdiga Ciyaartooyda,macalimiinta iyo taqaatiirta kusoo dhaweeyay caasimada,isagoo sheegay inta ay jigaan Gobolka Banaadir ay booqandoonaan goobo badan oo muhiim ah iyagana ka maal maamul ahaan ay ugu mahad celinayaan sida wanaagsan ay isku soo abaabuleyn.

Qaar ka mid ah Ciyaartooyda ayaa sheegay in dalka maalinba maalinka ka danbeeso uu soo horomarayo sanadaha soo aadan ay badandoonaan booqashooyinka ceenka oo kale si dadkii ay ugu soo tageyn qurbaha ay u arkaan horomarka iyo is badalka Soomaaliya.

Tababaraha kooxda Melbourne Cali Xuseen oo ina hadlay ayaa isna sheegay in gobolka Banaadir ay ka dhisanyihiin kooxaha adag iyagana ay wadidoonaan booqaashooyinka oo kale si ay xirfadlayaasha ku barbaaray qurbaha loo tuso dalka ay iyaga lee yihiin.

Taliyaha ciidanka asluubta Bashiir Maxamed Jaamac oo isna qeyb ka ahaa mas’uuliyeenta soo dhawaysay kooxda Melbourne ayaa tibaaxay in qurbajoogta laga sugayo caawinta maxaabiista ku jirta dalka.

Inta ay joogaan Muqdisho waxa ay ciyaaro saaxiibtinimo la dheelidoonaan Ciyaartooyda Gobolka Banaadir,degmada Kaaran iyo kooxda kubbadda cagta Midnimo oo sanadkan usoo gudbtay horyaalka Somalia Premier League .

Halkaan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinkooda Dalka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2231430487107733/

W/d-Maxamed Xuseen Qalinle