U bood dhigaalka

Kooxda Muqdisho City Club Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Gaadiidka

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha kubaada cagta Muqdisho City iyo Gadiidka ayaa wada dheelaya kulamadii 5aad horyaalka Somalia Premier Leagaue 2018-2019.

Qeybta 1aad labada dhinac ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan farsamo,balse xidigaha Mogadishu City Club ayaa dhaliyay labo gool waxaana u ansixiyay xidigaha kala ah Ciise Cabdiqaadir iyo Qeys Cabdulle Macalin.

Markii leysku soo laabtay qeybta labaad labada koox ayaa sameeyay fursado badan oo goolal ah,balse kooxda Gadiidka ayaa heshay gool waxaana u dhaliyay ciyaaryaha Yaxye Ibraahim oo qadka dhexe ka ciyaara.

“Waxaan waqti ku bixinaynaa in aan boos wanaagsan kaga dhamaysano horyaalka 2018-2019 tani waa qeyn ka mid ah kubbadda cagta,yoolkeena waa in aan soo bandhignaa ciyaar ku dheehan farsamo”waxaa Goobjoog Sports u sheegay Xuseen Yuusuf Dabaaso oo ka mid ah kooxda Gadiidka.

“Waxaan ku sii dhawaanaynaa kaalamaha sare ee horyaalka iminka wax walbo waa ay is badaleen anaguna waan ku qanac sanahay guushan”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Xuseen Balangu oo layliyaha kooxda Muqdisho City Club.

Kulanka waxaa garsoore ka ahaa Maxamed Nuur Mixidiin,Calanhayaha 1aad waxa uu ahaa Nuur Cabdi Maxamed,halka calanhayaha 2aad uu ahaa Liibaan Xiirey.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Kooxaha Muqdisho City Club Iyo Gaadiidka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/687282618382559/