U bood dhigaalka

Kooxda Qurbajoogta Soomaaliyeed Ayaa Ka Amba Baxday Muqdisho,Iyagoo Fariin Wanaagsan Qaaday

Sheeko:Cayaaraha

Magaalada Muqdisho waxaa ka amba baxay kooxda qurbajoogta Soomaaliyeed oo labadii tobaad lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ka samaysay caasimada waxayna  la ciyaareyn kooxaha kala ah Elman, Heegan, Dekedda iyo Horseed,iyagoo soo bandhigeyn farsamooyin aad loogu riyaaqay

Kaliya ma aysan ciyaarin kulamadii loo qorsheeyay ee saaxiibtinimo waxa ay ka qeyb qaateyn olalaha is xilqaan oo dib loogu dhisay dalka,iyagoo ka qeyb qaatay dhismaha tiyaatarka qaranka  iyo naadafaada garoonka Stadium Muqdisho oo ay dowlada la wareegtay bishii August ee sanadkan 2018

Feysal Axmed Xasan oo ka mid ahaa ciyaartooyda qurbajoogta ayaa loogu yeeray waajibaad xulka qaranka, kooxda xafidanaysa horyaalka Somali Premier League ee Dekedda iyadana waxa ay la wareegtay ciyaaryahan Qadar oo weerarka ugu ciyaaray qurbajoogta

Sidoo kale waxaa jiray dhowr xirfadlayaal oo iyagana loogu wacay safka xulka,balse arimo farsamo ayay ugu baaqdeyn waxayna sida wajir u sheegeyn in ay jecel yihiin malataada dalkooda hooyo ee Soomaaliya arintan waxaa soo dhaweeyay macalimiinta,maamulka iyo qaar ka mid ah ciyaartooyda,iyagoo horomar u rajeeyay xirfadlayaasha ku kala beeray naadiga Dekedda iyo xulka qaranka

Inta aysan ka baxin garoonka Aadan Cadde ayay la hadleyn Goobjoog News iyagoo sheegay in safarkooda kowaad ee Soomaaliya uu ahaa mid xiiso gooni ximbaarsan,balse sanadaha soo aadan ay badindoonaan safarada ceeynka oo kale si  dhalinyarada qurbaha ko koray ay u arkaan horomarka ka jira dalka ay iyaga milkiiliyada u lee yihiin

Waasarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada da’daalo ku aadan in la balaariyo booqashada kooxaha qurbajoogta waxayna arinta go’gol xaar u tahay horomarinta isboortiga wadanka sida ay qabaan bahada ciyaaraha

Halkaan Ka Daawo Warbixinta Bixitaanka Kooxda Qurbajoogta