U bood dhigaalka

Warbixintii xasaasiga ahayd ee kooxda u qaabilsan Qaramada midowbayn daba galka Somaaliya iyo Eratariya

Sheeko:Dalka

Warbixintan oo taabanaysa wasaarado, shakhsiyaad , safiiro, safaarado, xafiisyo, shirkado iyo waliba dalal shisheeye ayaa waxay soo bandhigaysaa xog naxdin leh oo ku saabsan musuq aad ugu baahay xafiisyada iyo hay’daha dowlada Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay markii ay ahayd in madax Soomaliya ay horumar ka samayn lahaayeen xasillinta iyo dhisid hay’ado dowladeed oo caga adag ku taagneen, in ay ku mashquul sanyihiin musuqida iyo kalla dilaalka hantida qaranka. Tusaalle arintaas waxaa looga dhigay in barlamaanka Soomaliya markii oo mooshin yimaado ay codkooda seeyaan cida oo lacagta badan.

Wasaarada macadanta iyo shidaalka

Warbixintan ayaa wasaaradan ku iidasay in ay si ula kac marar badan isku dayday in kharashaadka wasaarada u soo xarooda ay ka weeciso bangiga dhexe ee qaranka. kooxduna waxay ugaatay in ugu yaraan hal mar ay wasaardo ku shubtay account ku yaala Bangiga Interntional Bank of Soomali [IBS] aduun lacageed oo tiradiiso tahay $633,866.69 oo laga helay shirkad ka shaqaysa iibinta xogta shidaalka Soomaliya.

Wasaaradan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay rukhsado kaloomaysi siiso shirkado shisheeye si aan waafqasanayn sharciga kaloomaysiga iyo waliba in calanka soomaliya laga taago doomo aan dalka laga lahayn.

 

Canshuuraha qaadka

Warbixinta ayaa lagu sheegay heshiis dhexmary Shirkadaha qaadka keena iyo wasaarada Maaliyada oo aan waafaqsanayn sharci dowlada federalka ee dakhli soo uruurinta  in ay keentay hoos u dhac wayn oo ku yimaada canshuurihii ka  soo xaroon jiray qaadka.

Wasaarada Dekadaha  iyo gaadiidka Badda.

Wasaaradan ayaa lagu eedeeyay markii uu wasiirka ka ahaa Yusuf Macalin Amiin [Badiyo] 2014 in lacag gaaraysa 1,800,000 [1.8 million] oo UNITAF ay canshuur ahaan uga uruursisay dakada Mogdishu  intii u dhaxaysay 1993-1995 oo UNDPdu haysay ay wasaarado codsatay in lagu soo wareejiyo si loogu tayac tiro dakada Mogadishu kadibna muddu 7aad ah dhamaan lactii oo dhan account bangiga dhaxe laga saaray ayada oo wax shaqa lagu qaban.

Safaarada Nairobi

Safaarada Soomaliya ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay markii oo madax ka ahaa Mohamed Ali Nur Americo in lacag tiradeedo tahay $960,836 oo laga soo xareeyay 7,500 oo basaboor ay $486,258 doolar oo kali ih ku soo dhacday account wasaarida arimaha guduhu ay ku leedahay bangiga dhexe halka $474,578 ann la ugeen halka ay ku baxday.
war bixinta ayaa sidoo kalle waxaa ku dhex jira emailo iyo heshiisyo dhexmary qaybo ka mid ah wasaaradaha dowlada iyo shirkado ajniba ah iyo waliba lacagu qaabab kal duwan oo aan wafaqsanayn sharciga looga helay shirkado ajiniba ah.