U bood dhigaalka

Kooxda Xiriirka ee OIC Oo Golaha Ammaanka Ugu Baaqay In Soomaaliya Si Buuxda Looga Qaado Cunaqabateynta Hubka

Sheeko:Amniga

Kooxda xiriirka ee ka tirsan ururka OIC ayaa la werinayaa in kulan heer wasiirro ay ku qaban doonaan Muqdisho 27 October 2018,  kulanka oo xoogga lagu saarayo nabadda, dhismaha dowladnimada iyo sidii xasilooni iyo dimoqoraadi looga hirgelin lahaa Soomaaliya ayaa waxaa Villa Somalia u matalaya wasiirka arrimaha dibadda.

Arriaha Muhiimka Waxaa Ka Mid Ah:

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa looga baaqay inay ixtiraamaan midnimada, xasiloonida iyo bad-qabka dhulka Soomaaliyeed .

Waxaa la soo dhweeyey heshiisyada taariikhiga ah ee ay wada gaareen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada gaar ahaan kuwa ku saabsan nooca iyo qaabka doorashada 2020-ka, qeybiga kheyraadka, kuwaas oo qeyb ka ah horumarka nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kooxdan waxaa ay golaha ammaanka ugu baaqeen in ay si buuxda cunaqabateynta hubka uga qaadaan Soomaaliya, si loo dedejiyo dhismaha hey’adaha amniga ee Soomaaliya.

Kooxda waxaa cambeereeyeen Al-shabaab iyaga oo intaasi raaciyey in waxyeellada ay wadaan ay ka hor imaaneyso dhambaalka Islaamka ee ka tarjumaya nabadda, dhex-dhexaadnimada iyo xormeynta qiimaha nolosha.

Kulanka waxaa dalalka xubnaha ka aha ururka iskaashiga Islaamka(OIC) iyo hey’adaha lacagta loogu baaqay inay kordhiyaan taageerada banii’aadnimo ee la siinayo NGO’ska iyo goobaha tabaaleysan.

 Kulanka waxaa lagu soo dhweeyey in xafiiska OIC ee Soomaaliya loo badalo mid lagu hormarinayo siyaasadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale, qeybna ka qaato sidoo kale dib u heshiisiinta.

Kulanka waxaa loogu hambalyeeyey dalalka xubnaha ka ah OIC ee safaaradaha ku leh Muqdisho, waxaana sidoo kale loogu baaqay dalalka inay soo dedejiyaan sidii ay safaarad uga furan lahaayeen magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii, kulanka waxaa uu ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah ururka, hey’daha maaliyadda, ururrada NGO’ska ee dalalka Islaamka iyo kaalmo degdeg ah gaarsiiyaan qaxootiga iyo barakacayaasha, oo ay ku jiraan dalalka qaxootiga marti-geliya iyo xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News