U bood dhigaalka

Kooxdii Fanka ee Dur-Dur oo dib loo asaasay

Sheeko:Dalka

DurdurKoox faneedkii caanka ahayd ee Dur-Dur ee xiligii dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre ayaa dib looga asaasay dalka Maraykanka, iyaga oo magaalada Minneapolis ka qabtay bandhig faneed ay si weyn oga soo qeybgaleen Soomaalida dalkaasi ku nool.

Dur-Dur oo ahayd koox si gaar ah loo leeyahay ayaa waxa ay soo shaacbaxday sanadkii 1981-dii, iyada oo durbadiiba usoo shaac baxday, dadkuna aad u jeclaayeen.

Laakiin waxa ay kooxda qadka ka baxday 1991-dii markii dalka ay ka biloowdeen dagaaladii sokeeye, waxayna xubnaha kooxda u qaxeen dalka Itoobiya halkaasi oo ay ku sugnaayeen 12 sano ka hor intii aysan u dhoofin dalalka Maraykanka, Canada iyo Ingiriiska.

Cabdinuur Daljir oo kooxdaasi ka tirsan, ahna Turunbataariiste ayaa sheegey in kooxda ay caqabad ku noqotey dalalka kala duwan ee ay kala aadeen, balse ay hadda u suurogashay in ay dib isu abaabulaan.

Xarbi oo ah dadkii durbaanka u garaaci jirey kooxda oo haatan 50 jir ah ayaa sheegey in uu mar kasta soo xusuusto xiligii wanaagsanaa ee Muqdisho iyo nabadii iyo noloshii wanaagsanayd ee halkaasi tiiley.

Bandhigani ay haatan qabanayaan ayaa waxa uu qeyb ka yahay mashruuc loogu magac daray Midnimo oo daafaha adduunka looga keenayo fanaaniintii hore ee Soomaaliyeed si ay bandhig ugu qabtaan dalka Maraykanka.

Xigasho : PR

Goobjoog News