U bood dhigaalka

Qof beeraleey ah oo lagu dilay deegaan ka mid ah Shabeelaha Hoose

Sheeko:Dalka

beeraha muuskaMid ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa inoo sheegay in baryihii dambe ay deegaanka ka taagnayd cabsida la xariirta dilka xalay dhacay.

Wuxuu sheegey in wiilka la dilay uu ahaa beeraley, islamarkaasina moos uu beertiisa ka goostey uu ku rartay gaari, kaasi oo dhiiqo ka galay, kadibna gaarigii oo dhiiriga laga bixinayo ay u tageen rag hubeysan, kuwaasi oo wixii ay heysteene ka dhacay, wiilkana dilay.

Wuxuu sheegey in dhibaatada lagu hayo dadka beeraleyda ah, haddii ay noqon lahayd dhac, handadaad iyo waliba dil ay aad usoo korortey, ayna jirin cid wax ka qabanaysa.

Mar la weeydiiyey waxa uu ugu baaqayo dowladda Soomaaliya ayuu yiri “Annagu dowladda waxbo uma sheegeynee, idinku uun gaarsiiya”, wuxuu intaasi ku daray in dowladdii loo dacwoon lahaa ay ciidamadooda dariiqa taaganyihiin oo ay dadka dhacayaan.

Dhawaan ayay ahayd markii koox dad ah oo beeralay ah oo degen deegaanka shanta baraako ee Afgooye ay shir ku qabsadeen Afgooye, kagana cawdeen dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayaan dad xiran dareeska dowladda oo har iyo habeenba dhac iyo jirdil u geysta.

Goobjoog News