U bood dhigaalka

Korneel Buulle “Khilaafka DFS Iyo Jubbaland Ma Saameynayo Shaqadeenna”

Sheeko:Amniga

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee Jubbaland ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland uusan saameyn ku yeelan doonin howlahooda shaqo.

Sii hayaha xerada 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneel Maxamed Buulle Ibraahim ayaa ciidanka xoogga dalka u taagan yihiin sidii shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen cadowga, dalka oo dhanna u siman yahay.

Korneel Buulle ayaa sheegay in sidoo kale ay ka madaxbannaan yihiin siyaasadda isdiiddan ee dowladda dhexe iyo Jubbaland, shaqadooduna ay tahay difaaca dalka iyo dadka.

“Khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland ma saameeneyso shaqadeenna, annaga waxaan u joognaa inaan dalka iyo dadka ka difaacno cadowga, waxaan nahay ciidan qaran ma nihin kuwo gobol ama beel” ayuu yiri Buulle.

Waxaa jira khilaaf soo kala dhexgalay maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo Jubbaland ay sheegeyso in DFS ay farogelin ku hayso maamulkaasi.

Goobjoog News