U bood dhigaalka

Korneel Caarre Oo La Heshiiyey Xukuumadda Biixi

Sheeko:Amniga

Korneyl Saciid Jaamac Caarre ayaa lagu soo waramayaa in heshiis uu la gaaray xukuumadda Somaliland, kadib wadahadallo muddo badan qaatay.

Wararku waxay sheegayaan in Korneelka uu aqbalay in jabhaddiisa laga soo saaro buuraha, sidoo kalena uu nabadda qaato.

Waxgaradka beeshiisa iyo sidoo kale xukuumadda Muuse Biixi ayaa ka dalbaday Caarre in uu ciidankiisa kusoo daro kuwa Somaliland, isna la siiyo lacag dhan 300 Kun oo doolar, dalka dibaddiisana uu aado.

Caarre ayaa intaasba aqbalay, waxaana la filayaa in saacadaha soo aaddan ciidankiisa ay dhanka Xukuumadda Biixi ku biiraan.

Jabhadda Korneel Caarre ayaa saldhigyo waaweyn ku lahayd deegaanno ka mid ah Somaliland, waxaana dagaallo culus ay ka galeen deegaanno dhowr ah oo hoosta maamulka Biixi.

Goobjoog News