U bood dhigaalka

Korneel Robow “DFS Waa Iney Diyaarsataa Ciidan Buuxiya Meelaha Ay Baneyso AMISOM”

Sheeko:Amniga

Korneel Shariif Roobow oo ah qabiir dhanka ammaanka ayaa sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay iney diyaarsato ciidamo buuxiya boosaska ay baneeyaan ciidanka AMISOM.

Waxa uu sheegay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Kenya uu yahay mid xilli walbo laga dhabeyn karo oo ciidanka Kenya isaga bixi karaan gudaha dalka, sidaasi darteedna ay lama huraan tahay in dowladda diyaarsato ciidankii bedali lahaa ciidamadaasi.

Sidoo kale, Korneel Roobow ayaa sheegay in waxa kaliya ee dowladda looga baaha yahay ay tahay dhismaha ciidan qaran oo ammaanka dalka hanta.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waa iney diyaarsataa ciidan buuxiya meelaha ay baneyso AMISOM, waayo hadda Kenya ayaa sheegtay in dalka isaga baxayso, xilli walbo ayeey dhab noqon kartaa, kaliyana baahida ciidamada shisheeye waxaa looga bixi karaa kuwa qaranka oo la dhiso” ayuu yiri Korneel Roobow.

Dhanka kale, Sharif Roobow ayaa sheegay in xilli walbo sidan oo kale loo filan karo dowladaha ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ku dhowaaqaan in ciidankooda ay la baxayaan.

Dowladda Kenya ayaa waxay sheegtay in ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya, sababtuna waxay ku sheegtay dhaqaale badan oo aanay u ahayn.

Goobjoog News