U bood dhigaalka

Kornel Barre oo ka hadlay qorshihiisa ku aadan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo

Sheeko:Dalka
Kornel Barre Aadan Shire Hiiraale
Kornel Barre Aadan Shire Hiiraale

Kornayl Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka qayb galka wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka iyo Gedo oo dhowaan ka furmaya magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in ciidankiisii uu xero isugu geeyay, isla markaasina uu diyaar u yahay ka qayb galka shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka iyo Gedo isaga oo arimahaasi uga mahad celiyay wasiiradii tegay magaalada Kismaayo.

Barre ayaa sheegay in ay gacan ka geysanayaan heshiiska beelaha Jubbooyinka iyo Gedo isaga oo sheegay in aysan ogolaan doonin in mar kale ay dagaalo ka dhacaan goboladaasi.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh ayaa wuxuu tilmaamay go’aanka Barre Hiiraale uu qaatay in uu yahay tallaabo wanaagsan iyo guul u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Jubbooyinka.

Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka garsoorka xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD ayaa ku guuleystay in ay Barre Hiiraale ka dhaadhiciyaan ka qeyb galka wada hadallada Jubbooyinka.