U bood dhigaalka

Koronto Dad Ku Dishay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Labo qofay dhinteen kadib maarkii ay koronto ku dhegtay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Labada qof ee dhimatay ahaayeen Dhallinyaro, islamarkaana marayey waddo aan ka fogeyn xarunta degmada Warta Nabadda, hase ahaatee ay lama filaan ugu dhegtay korontadan.

Wiilashan dhintey ayaa da’dooda waxaa lagu sheegay 15 illaa 16 sano jir, waxaana la tilmaamay in Labaduba ay goobta ku dhinteen.

Dhallinyaradan ayaa mid ka mid ah u socday goob uu ka shaqeeyo oo ku taalla suuqa Bakaaraha, halka midka kalena uu u socday goobaha lagu jimicsado (GYM)

Maamulka degmada Warta Nabadda weli faahfaaahin dheeraad ah kama aanu bixin dhallinyaradan ku dhimtay Korontada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News