U bood dhigaalka

Koronto La’aan Ka Jirta Degmada Balcad Ee Gobolka Shabellaha Dhexe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in koronto la’aan ay ka jirto degmadaasi 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Maamulka degmada Balcad ayaa la sheegay in ammar uu ku bixiyey in la damiyo korontada oo dhan, kadib markii ay isku dhaceen maamulka shirkaddii adeeggaasi siin jirtay degmada.

Ilo lagu kasloon yahay ayaa u sheegay Goobjoog News, in shirkaddan ay lacag awgeed korontada uga jaratay hoyga guddoomiyaha degmada Balcad, isaguna uu ammar ku bixiyey in shirkadda dhan la damiyo.

Koronto la’aantan ayaa saameyn weyn ku yeelatay guud ahaan degmada, si gaar ahna xarumaha caafimaadka iyo ganacsiga.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News