U bood dhigaalka

Koror Ku Yimid Xaaladda Umul Raaca Ee Soomaaliya

Sheeko:Caafimaadka

Xaaladda umul-raaca hooyada Soomaaliyeed ayaa hadda waxaa ay mareysaa meel aad u sarreyso dunida gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha sida ay sheegtay  hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Dhallaanka ee UNICEF.

Boqolkii kun oo haween Soomaali ah oo dhalaya waxaa umul-raacda 732 ka mid ah  wixii ka dambeeyay 1990-2016 sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF.

Waxaa sahlay dhammaan dhimashada haweenkaan geeriyooday markii ay umuleen ka dib in aysan helin adeegyadii ay u baahnaayeen gaar ahaan daryeelka caafimaad oo lagama maarmaan u ah hooyada uurka leh.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Xasan oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu ka war bixiyay waxa ay kala socdaan warbixinta ay soo saartay hay’adda UNICEF.

“Umul raaca Soomaaliya in uu aad u sarreeyo wax sir ah maahan hadana inay noo sheegto UN looma baahno,waxaan ognahnay todobo boqol soddon iyo kow ayaa kunkii dhalaya ka dhinta,wasaaradda caafimaadka waxay ku dartay si arrintaani loola dagaallamo in mudnaanta koowaad ee caafimaadka Soomaaliya arrintaas ay tahay ”.

Haweenka uurka leh qaarkood ma fahansana muhiimadda ay u leedahay iyaga iyo ilmahooda in ay joogteeyaan booqashada Isbitaallada loogu talo galay in lagu daryeelo Hooyada iyo Dhallaanka.

Dr Maxamed Salaad oo ku takhasusay arrimaha haweenka ayaa Goobjoog News waxaa uu uga warbixiyay waxyaabaha keena Umul-raaca.

“Sababta waxay noqoneysaa Maamada waxay iska joogtaa gobo lama xitaa magaalada qeybaheeda,waxaa dhici karta in maamada ay ku dhacdo Taroomo aysana maamada ogeyn ayna iska qarsato,ka dib ayaa waxaa noo imaanayo kiiskii oo Safiira”.

Goobjoog News