U bood dhigaalka

Ku Dhawaad 10 Isbaaro Oo Laga Qaaday Deegaanno Ka Tirsan Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Taliyaha guutada Shanaad ee ciidamada xoogga dalka Cabdullaahi Xuseen oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay inay ku guuleysteen in ay qaadaan Isbaarooyin badan oo yaallay deegaanno ka mid ah Shabellaha Hoose.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay sameeyeen howlgal aad u ballaaran, islamarkaana ay ku guuleysteen inay cagta mariyaan illaa 9 Isbaaro.

Deegaannada Isbaarooyinka laga qaaday ayuu taliyaha ku sheegay inay kala yihiin Muuri, nawaaxiga degmada Afgooye, Lambar 60 iyo deegaanka Buufow Bacaad.

Inta uu holwgalkaan socday ayuu sheegay taliyaha in ay iska caabin kala kulmeen qaar ka mid ah raggii Isbaarada u taallay, islamarkaana haatan dhammaan wadooyinka howlgalka lagu sameeyay yihiin kuwo hagaagsan.

“Waxaan qaadnay Sagaal Isbaaro, kuwo ayaa isku dayay inay nala dagaallaan qaar ayaan ka dilnay intii kale wey baxsadeen, sidoo kale waxaa isbaarada dadka dhiganayay ku jiray qaar ka mid ah ciidanka dowladda, laakiin waxaan kusoo xareenay xerooyinkii ay ka tirsanaayeen” ayuu yiri Taliyaha.

Ugu dambeyn taliyaha Guutada Shanaad ee ciidanka xoogga dalka Cabdullaahi Xuseen ayaa ugu baaqay gaadiidleyda in shaqadooda si caad ah u billaabaan, islamarkaana haatan wadadu ay ammaan tahay.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa darawalada kaxeeysa gaadiidka ku safra gobalka Shabellaha Hoose, waxay ka cabanayeen Isbaarooyin xad dhaaf ah, islamarkaana dhibaato loogu geysto dadka shacabka ah.

Goobjoog News