U bood dhigaalka

Ku Dhawaad 50 Qof Oo Ku Geeriyootay Qaraxyo Ka Dhacay Lubnaan

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 40 ruux ayaa ku geeriyootay, 181 kalana waa ay ku dhaawacmeyn Labo Qarax oo mataana ah islamarkaana gilgilay magaladda Beirut ee caasimadda dalka Lubnan.

Laba qof oo bambaanooyin isku soo xiray ayaa isku qarxiyey wado aad u mashquul badan oo ku taala dhanka koonfureed xafadda ku taalla ee Burj Al-Barajneh oo ay ku xoogantahay kooxda shiicada ah ee Xisbullah.

Ururka IS ayaa sheegtay in ay iyagu weerarka ka dambeeyeen balse ma jiraan ilo ka madaxbanan kooxda oo xaqiijinaya in iyadu ay ka dambeyso.

Is qarxinta ka dhacday Beyruut ayaa noqoneysa tii ugu dhimashadda badneed muddo 25 sano ah  ka dhacda magaladaasi.

Ra’iiusl wasaaraha dalka Lubnan Tammam Salam ayaa cambaareeyey weerarkan isagoo yiri ’’ weerarka nuucaan ah maleh marmarsiyo, waxa uuna ugu yeeray kooxaha Lubnan ka jira in ay u midoobaan sidii loola dagaallami lahaa kooxaha fidnada wada waa sida uu hadalka u dhigaye.