U bood dhigaalka

Ku Dhowaad 10 Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Dhintey Degmada Ceelbarde Ee Gobolka Bakool

Sheeko:Caafimaadka

Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa lagu soo waramayaa iney cudurka shuban biyoodka ugu dhinteen dad gaaraya 10 ruux, iyadoo tiro intaa ka badan ay la il daran yihiin.

Dadkan  ayaa dhintay 24-kii saac ee ugu dambeysay sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah howlwadeennada caafimaadka ee ku sugan Isbitaalka degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dadka cudurkaan uu ku dhacay kadib markii ay cabeen biyo aan nadiif ahayn, sababtuna waxay tahay degmada waxaa ka jirta abaar baahsan, dadkuna ma heli karaan biyo nadiif ah.

Waxaa socda gurmad ay sameynayaan kooxaha caafimaadka ee ku sugan degmada Ceelbarde si dadka u daweeyaan, sidoo kalena uga wacyigeliyaan cabista biyaha aan nadiifka ahayn.

Gobollada Baay iyo Bakool waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana dadka abaarta iyo cudurka Shuban biyoodka ugu dhintey gobolkaasi ay ka badan yihiin 300 oo ruux.

Goobjoog News