U bood dhigaalka

Ku Dhowaad 100 Qof Oo Lagu Qabtay Howlgallo Laga Sameeyey Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Ciidamada Puntland ayaa sameeyey howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, waxaana lagu soo qabtay ku dhowaad 100 qof oo dhallinyaro u badan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Cismaan Xasan Cowke oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in howlgalladan ahaayeen kuwo ammaanka lagu xaqiijinayey.

Dhallinyarada ay soo qabteen ayuu sheegay iney ka kala tirsanaayeen ururo u gaar ah oo ay sameysteen, islamarkaana ay magaalada qalqal ku hayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, taliye ku xigeenka ayaa sheegay in weli ay socdaan howlgalladan, oo inta amniga magaalada Gaalkacyo wax laga bedalayo ay wadi doonaan.

“Dhallinyaro gaareysa 70 illaa 80 ayaan kusoo qabannay howlgalladii aan sameennay Saddexdii cisho ee lsoo dhaafay, welina waa ay socdaan, waxaan soo qabannay dhallinaro wax u dhimayey ammaanka magaalada” ayuu yiri taliyaha.

Howlgalladan ay wadaan ciidamada Puntland waxaa sidoo kale dhinac socda howlgalka Caaisha Maxay Galabsatay oo lagu raadinayo cid walbo oo ku lug lahayd gabadhii yareed ee inta la kufsaday hadane lagu dilay Gaalkacyo.

Goobjoog News