U bood dhigaalka

ku dhowaad 20 meyadad hor leh oo laga helay xeebaha Talyaaniga

Sheeko:War

Meydadka 18 ruux ayaa laga helay biyaha u dhaxeeya libya iyo Italy sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha ee Talyaaniga,waxayna meydadku u badanyihiin muwaadiniin ka soo jeeda wadamada Soomaaliya iyo Eretria.

Kabtan Marco Bilardi oo ka tirsan saraakiisha ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa laga soo xiganayaa isagoo lahadlaye Televison maxali ah in  18 ruux ay dhinteen kadib markii ay quustay dooni ay saarnaayeen.

“Markii ay Helicopter aynu wadanay ay u duushay halka doonida ay ku ciladeysneed ,dababdeed doonidu wey quustay ,waxaa jiray dad bada kudhax jiray oo doonida kadaday “ wuxuu Captain Marco Bilardi sidaa u sheegay Television-ka SkyTG24.

Dhanka kale, dowladda Talyaaniga saraakiisheeda ilaalada xeebaha ayaa laga soo xiganayaa in lasoo badbaadiyay kudhawaad 8-ruux halka qaar kalana lala’yahay.

In kabadan 3,500 oo ruux ayaa la soo badbaadiyay tan iyo maalinimadii jimcaha ahayd sida ay baahisay wakaalada wararka Talyaaniga ee ANSA.

Wasiirka arimaha gudaha dowlada talyaaniga Angellino Alfano ayaa cambaareeyay qaabka midowga yurub aysan dowlada Talyaaniga ugaga caawin kahortaga qaabkii wax looga qaban lahaa Muhaajiriinta African-ka ah ee Xeebaha talyaaniga usoo socdaala.