U bood dhigaalka

Ku-simaha madaxwaynaha dalka oo salaada ciidda shacabka kula tukaday Muqdisho

Sheeko:Dalka

???????????????????????????????

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna ku-simaha madaxwaynaha dalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa maanta salaaddii ciidda kula tukaday masjidka Isbaheysiga Islaamka boqollaal dad weyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo salaada ciidda kaddib khudbad u jeediyayy dadweynihii Masjidka Isbaheysiga ku tukaday ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku booriyay ummadda soomaaliyeed in ay is cafiyaan iskuna naxariistaan maadaama abaaro iyo dhibaato adag ay ka jirto dalka,isla markaana ay u gurmadaan dadka tabaaleysan.

Madaxwayne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan magaalada Makka Al-mukaama iyaga oo ka qeyb galay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan.