U bood dhigaalka

Ku-simaha madaxwaynaha dalka oo xariga ka jaray howlaha jaamacada umada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka
Jawaari11
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Ku simaha madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyhaha baarlamaanka Federaalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta xariga ka jaray daraasada jaamacada ummada Soomaaliyeed oo dib loo hir geliyay.

Jawaari ayaa kula dardaarmay ardayda in ay si koox koox ah isu kaashadaan iyaga oo diirada saaraya dhibaatooyinka ka dhaca Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dib u dhiska dalka.

Waxa uu tilmaamay in madaxdii soo martay dalka iyo kuwa imika talada haya ay wax ku soo barteen jaamacada ummada Soomaaliyeed.

Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ducaale Aadan ayaa dhankiisa baraarujin u diray ardayda nasiibka u yeelatay in ay noqdaan kuwa ugu horeeya oo lagu bilaabay daraasada kadib burburkii jaamacada.