U bood dhigaalka

Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka: Waxaa Timaadeen Meel Dhisan, Lagu Soo Rafaaday, Oo Loo Dhintay…Maad Sheegtaan?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye  Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey oo xalay khudbad ka jeediyay xafladda xil-wareejinta guddoomiyaha gobolka Banaadir ayey u muuqatey in uu dhibsaday eragya “Markii ugu horreysay” ee inta badan laga isticmaalo xukuumadda nabad iyo nolol, isaga oo xusuusiyay Xasan Kheyre in uu yimid meel dhisan oo muhiim ay tahay in la sheego wixii ka horreeyay oo la soo qabtay.

Guddoomiye  Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey  waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaad dareemi kartiin in maalimba maalinta ka dambeyso dowladba dowladda ay ka dambeyso ay wax sameyneyso, waxaan rabaa inaan aad u xasuusto oo xuso dad badan ayaa waxaa ay yiraahdeen waxaa la yiri Gadaal ka gaar goob dumis waaye ayaa la yiri .

Waxaa rabaa saxiibkey Kheyre xukuumaddiisa dad ka mid ah ayaa ka dhageysanaayey oo dhahaya in iyagu wax qabteen,  saaxiibkey Yariisow xukuumadda ayuu ka tirsanaa, waxaa rabaa in la sheego wixii ka horreeyay oo la soo qabtay taas abaal daree noqoneysaa.

Guddoomiye  Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri “Waxaad timaadeen meel dhisan oo lagu soo dhintay,  lagu soo rafaaday,  lagu soo qarxay,  lagu soo baahday ayaa timaadeen oo dhisan,maad sheegtaan dadkii hore waxay soo qabteen,  abaal darridaas ma fiicno,  waxaa rabaa aniga in la sheego qof kasta oo Soomaali ah shaqada uu qabtay in la sheego taas ayey cadaaladdu ku jirtaa Soomaalinimadana ay ku jirtaa .

Guddoomiye Muudeey waxaa uu ka hadlay burburkii iyo wixii la qabtay”Sideed iyo labaatan sano wadankaan uu burbursanaa aniga sidaan ayaan u dhextaagnaa meel kama aadin,  saaxiibkey Yariisow Ingiriiska ayuuba ka yimidba oo aad amaaneysaan aniga cid i amaaneyso maba arkin,  sideed iyo labaatan sano qash iyo qubtaan ayaa dhex taagnaa,  war dad aniga iga daran ayaa jooga wadanka, oo wadanka wax u qabtay oo ku dhintay kuna rafaaday gabdho iyo wiilalna leh.

Goobta shir ka dhacayey ayuu ka hadlay “Meeshaan sidaan u qurxoon sidaan uma qurxaneyn,  ninka sidaan u qurxiyey meeshaan ayuu fadhiyaa gacanteyda xumaan ugama taaginee,  Muungaab , kuwaa ka sii horreeyay kuwaa ka sii dambeeyay abaal la’aan waaye , qofkii wadankaani malcaqad ku kordhiya oo aan la sheehin jisaar ayuu noqonaa abaal dhac waaye, qofkaan dadka umahad celin ilaahey uma mahadceliyo.

Dhibaatada loo soo maray dib u dhiska dalka mar uu ka hadlayey  Guddoomiye  Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey waxaa uu yiri “Wadankaani waa loo soo rafaaday dad badan ayaa u soo dhintay oo wax u soo qabtay saaxiibo badan oo meeshaan jooga oo hadda tay u xiranyahay , waxay yimaadeen meel nimco leh, hortood ayey dad u soo dhinteen,  waxaan hubaa 2009 nin xildhibaan ah inuu baahi halkani ugu dhintay markuu wuxuu cuno waayey isagoo qof uu ka shaxaado garan weeyay halkani ayaan soo marnay,  xildhibaan qaranna ahaa cid taqaano idin kuma jirto war ilaahey halagu mahdiyo meel barwaaqo leh ayaad timaadeen.

Ugu dambeyntii Guddoomiye  Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey, waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Umaddaan wixii la soo maray xog ogaal ayaan u nahay dhibaatada nin walba siduu u soo dhimanayey maanta maxaan joognaa waad arkeysaan sida wanaagsan oo qiimaha leh oo meeshaan xilka look ala wareegaa dadaa keenay iskama imaanin Taabit iyo Yariisow ma keenin waa laga horeeyay waxaa rabaa qof walba waxa uu qabtay in la sheego dadnimada iyo Soomaalinimada taas ayey ku jirtaa.

Goobjoog News