U bood dhigaalka

Ku-xigeenka FBI-da Oo Shaqada Ka Tagay

Sheeko:Dalka

Andrew G. McCabe oo ahaa ku xigeenka madaxa FPI ayaa isniintii iscasilay ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu kala kulmay dhaleeceemo  soo-laablaabtay, waxaa ay arrintan qeyb ka tahay qaska ka jiray xafiiskan intii uu Trump joogay.

Andrew G. McCabe  ayaa sidoo kale waxa uu cadaadis kala kulmayey madaxa FPI-da, Christopher si uu isku casilo ka hor inta aysan warbixin sanadle ah aysan soo saarin wakaaladda amniga.

Waxa lagu wadaa inuu shaqada ka fariisto Andrew 18 Maarso ee soo socota.

Is casilaadda Andrew G. McCabe ayaa imaaneysa todobaad ka dib markii la faafiyey warbixin ka hadleysa in madaxweyne Trump uusan raali ka aheyn in Andrew uu sii hayo jagadiisa.

McCabe  ayaa xilka la wareegay bishii May ee sanadkii tagay ka dib markii Trump uu shaqada ka diray agaasimihii hore ee wakaaladda James James Comey.

Comey ayaa kormeeri jiray waxyaabaha la xiriira fargelinta uu Ruushka ku hayey doorashooyinkii  madaxtinimo ee Maeykanka ka dhacay sanadkii 2016 kii.

Goobjoog News