U bood dhigaalka

Kulamada Dib U Eegista Dastuurka oo Weli Ka Socda Magaalada Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxa banaan Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan dood-wadaag si wadajir ah ugu qabtay magalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka dood-wadaaga ah ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka Koonfur Galbeed waxa ayna su’aallo weydiyeen madaxda seddexda hay’ad ee u xilsaaran dhameeystirka dastuurka.

Ugu horeyn, Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Mudane Aaden Maxamed Xasan oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inay ka go’antahay in Koonfur Galbeed ay ka qeyb qaadato dhameeystirka dastuurka

Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ka jawaabayay su’aallo ay weydiinayeen ka qeybgalayaasha ayaa sheegay in bulshada rayidka aan looga maarmeyn dhameeystirka dastuurka.

“Shacabka reer Koonfur Galbeed waa shacab aaminsan una baahan Dowlad Federal ah, waa sida kaliya ee ay xaquuqdooda u heli karaan, waxaa lagama maarmaan ah in shacabku doorkooda ka qaataan oo aysan Dastuurka ku helayn dowladda dhexe ama dowlad goboleed. Shacabka ayaa dastuurka leh ee ha ilaalshadeen hakuna dhaqmeen si loo kala badbaado.” Ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka.

Ugu dambayn, qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed ayaa waxa ay talooyiin ku saabsan qodobada masiiriga ah ee dastuurka ku jira la wadaageen hay’adaha u xilsaaran qabyo tirka dastuurka.

Goobjoog News