U bood dhigaalka

Kulamada Wadatashiga Dib-u Eegista Dastuurka oo Weli Ka Socda Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la-socodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayaa  kulan wada tashi ah la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen), Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo Dhallinyarada Koonfur Galbeed.

Ujeedda kulanka wadatashiga ayaa ahaa ka talogelinta madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo in loo soo bandhigo howlaha warbixino ku saabsan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Ugu horeyn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa soo bandhigtay warbixinta arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed kuwaasoo ah arrimaha ugu muhiimsan guud ahaan dib-u-eegista Dastuurka, waxayna si qoto dheer usoo bandhigtay hababka kala duwan ee aduunyadu u dhigto arrimaha laga galayo wada-xaajoodka siyaasadeed.

Sidoo kale Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudiga La-socodka Baarlamaanka ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa u gudbiyay Gollaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka iyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen) warbixinta wax-ka-bedelka Dastuurka ee heer farsamo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftigareen ayaa soo dhaweeyey howlaha qaran ee ay wadaan saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka wuxuuna ku booriyey aqoonyahanka iyo shacab weeynaha Koonfur Galbeed in ay ka qaybqaataan dhamaystirka dastuurka ayna noqdaan dowllad Goboleedka ugu horeeya ee ka shaqeeya soona gudbiya talooyinkooda ku aadan warbixinta Dib-u-eegista Dastuurka, wuxuuna sidoo kale faray dhamaan hay’adaha iyo wasaaraddaha kala duwan ee Koonfur galbeed inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaah Dastuurka ee Koonfur galbeed soo aruurinta aragtiyaha kala duwan ee dowlad goboleedka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha dastuurka  Dr. Hussien Cabdi Cilmi ayaa si waafi ah uga warxibiyey halka ay marayso guud ahaan dib-u-eegista dastuurka iyo arrimaha u baahan in wada-xaajoodka siyaasadeed laga galo.

“ bishii lasoo dhaafay wassaaraddu waxa ay qabatay kulama hawleedyo shaqo oo balaaran kuwaas oo aan la yeelanay guud ahaan hey’adaha kala duwan ee dowllada si loo soo aruuriyo arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed si loo mideeyo aragtida dowlada heer Federaal ahaan loona diyaariyo hal dukuminti oo mid ah kaasoo lagala xaajoon doono dowladaha xubinta ka ah dowlada federaalka ah hadii alle idmo, waxaana sidoo kale idinkana idinka rajeeynaynaa inaad sameeysaan taas mid la mid ah, waana hubaa inaad sameeyn doontaan” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka.

Dhanka kale, Hay’adaha u xilsaaran dib-u-Eegista Dastuurka ayaa kulan latashi ah oo ku saabsan dib-u -eegista dastuurka la yeeshay haweenka, dhalinyarada iyo ururada bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedka KonfuurGalbeed.

Wasiir Ku-xigeenka Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo la hadlayay bulashada rayidka Koonfur Galbeed ayaa yiri ”Waxaan rajaynayaa inaad daraasaad badan ku samaysaan dastuurka kana talo dhiibataan, kana dhiibataan aragtidiina si loo xaqiijiyo in qofkasta oo Soomaali ah ka dhex arko xaqiisa dastuurka waana hubaa in bulshada rayidka Koonfur Galbeed ay doorkooda qaadan doonaan”.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka oo ku hadlayay magaca seddexda hay’ad ee u xilsaaran qabyo tirka dastuurka ayaa uga mahadceliyay guud ahaan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen iyo wadashqeynta wanaagsan ee ay u muujiyeen.

Goobjoog News