U bood dhigaalka

Kulamadii Puntland Iyo Beesha Caalamka Ee Garoowe Oo Natiijo La’aan Kusoo Dhamaaday

Sheeko:Dalka

Maalmihii ugu dambeyay waxaa magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal ku sugnaa xubno ka mid ah beesha caalamka oo uu hogaaminayey Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, kuwaasi oo kulamo la lahaa madaxda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xubnahan ayaa waxay aragtiyo kala duwan ka dhageysteen Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, baarlamaanka iyo madaxda Puntland taasi oo ku aadan aragtida hanaanka doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadkaan 2016.

Ulajeedka ugu weyn ee halkaasi ay u tageen wafdigaan ayaa ahayd sidii ay Puntland uga dhaadhicin lahaayeen aqbalista go’aannadii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga qaranka ee Muqdisho kusoo dhamaaday.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saxaafadda la hadlay maanta oo Khamiis ah ayaa waxa uu sheegay in aanu jirin heshiis la gaaray oo beesha caalamka ah, balse ay arkeen xubnahaasi in ku filan oo aragtida Puntland ah iyo sidoo kale rabitaanka shacabkii ay la kulmeen.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay isku af garteen beesha caalamka iyo dowladda Federaalka inay dib isugu laabtaan, Puntland iyaduna ay sii waddo wada tashiyada iyo wada hadalka dhexdooda ah.

“Wax heshiis ah oo la gaaray ma jirto, laakiiin waxaan isku af garannay in Beesha Caalamkuna ay dib isugu laabtaan, annaguna aanu sii wadno wada xaajoodka, kuna dadaalno ka Puntand ahaan iyo sidoo kale beesha caalamkuba inaanu dib isugu soo laabanno” ayuu yiri Gaas

Micheal Keating ayaa isna dhinaciisa sheegay in waxyaabihii ay kala soo kulmeen maamulka iyo shacabka Puntland ay la imaanayaa magaalada Muqdisho, islamarkaana ay jiri doonaan kulamo kale oo arrimahan looga hadlayo, iyaga oo ugu dambeyn xubnihii beesha caalamka ay kasoo amba baxeen magaalada Garoowe.

Maamulka Puntland ayaa diiddan in nidaamka doorasho ee dalka ka dhici doonta ay noqoto mid lagu saleynayo hanaanka qabiilka ee 4.5, waxayna qabaan aragti ah in lagu saleeyo qaab degmo.

Goobjoog News