U bood dhigaalka

Kulamo Lagu Xalinayo Xiisad Beeleed Oo Ka Socda Degmada Warsheekh Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe waxaa ka soconaya kulamo gaar gaar ah oo la doonayo in lagu xalliyo xurguf u dhaxeysay maalmahan beello wada deggan degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi Muriidi Xasan Barow ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ay socdaan kulamo la doonayo in lagu xalliyo xurgufta ka jirta degmadaasi.

Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ayuu sheegay in hadda ay dhexda u xirteen sidii ay ku xallin lahaayeen xiisadda ka jirta degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in dadaallada socda ay qeyb ka yihiin sidii loo qaadi lahaa jidgooyo taallo waddooyinka gala degmada Warsheekh oo dhibaato loogu geysto gaadiidka dadweynaha iyo kuwa hay’adaha samafalka ah.

Maalmahan dambe waxaa xiisad ay ka jirtay degmada Warsheekh ee Shabellaha Dhexe, taasi oo u dhaxeysay beello halkaasi wada deggan.

Goobjoog News