U bood dhigaalka

Kulamo Looga Hadlayay Dardar Gelinta Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab Oo Ka Dhacay Baydhaba

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, waxaa ka dhacay kullamo ballaaran oo ay lahaayeen madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo guddi isku dhafka ah ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo kulamada diiradda lagu saaray la dagaalanka Al-shabaab iyo dardar gelinta dagaalladaasi.

Waxyaabaha Labada dhinac ay ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ah sidii ciidamada xoogga dalka loogu dhameystiri lahaa agabka ciidan ee ka maqan, sidoo kalena ay u wajihi lahaayeen deegaan walba oo Al-shabaab kaga sugan yihiin gobalada Koonfur Galbeed.

Kulamadaasi ayaa markii ay soo gabagaboobeen, waxaa saxaafadda la hadlay Cabdifitaax Geesey oo ah wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay in natiijooyin wax ku’ool ah laga soo saaray kulamadaasi.

“Waxaa la’isla gartay in la xoojiyo dagaallada lagula jiro Nabad diidka, waad la socotaan dhawaan ciidamada AMISOM hawada ayeey ka duqeeyeen Shabaab, kuwa xoogga dalkana dhulka ayeey ka weerareen, waxaa guul soo hoyatay ah in cadowga meelo badan laga qabsado, waxyaabaha la’isla gartayna waxaa ka mid ah in Al-shabaab meel looga soo wada jeesto” ayuu yiri Wasiirka.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay gobalada Koonfur galbeed ka wadeen dagaallo ka dhan ah Al-shabaab, iyaga oo meello badan qabsaday.

Goobjoog News