U bood dhigaalka

Kulamo Looga Hadlayay Horumarinta Gobolka Galgaduud Oo Ka Dhacay Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Kulamo looga hadlayay xaaladaha nolosha degaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa lagu soo gebagebeeyay maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.

Waxaa ka qeyb galay kulamadani odayaasha degaanka iyo kuwa kale oo ka baxay magaalada Muqdisho oo  isla degaannadaasi u dhashay ayaa looga arrinsaday sida loo horumarin karo degaanka.

Masuuliyiinta Ahlu Sunna Waljamaaca ee magaalada Dhuusamareeb maamula ayaa sidoo kale ka qeyb galayay kulamadani maanta la soo afjaray.

Nabadoon Cabdi Daahir Ugaas Nuur  oo kamid ah waxgaradkii ka baxay Muqdisho ee kulankani ka qeyb galay ayaa sheegay in beeninayaan in magaalada Dhuusamareeb aan la tegi Karin islamarkaana ay ku baaqayaan in laga qeyb galo horumarka degaanka.

Dhanka kale, ka soo qeyb galayaashii kulankani ayaa ku booriyay dadka gobolka Galgaduud inay u istaagaan dhismaha degaannada iyo sidii loo horumarin lahaa arrimaha waxbarashada iyo caafimaadka.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb ee Ahlu Sunna Cabdillaahi Maxamed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay soo dhoweeyaan cid kasta oo doonaysa inay horumariso degaannada Ahlu Sunna.

Dhowr jeer oo hore waxaa jiray cabashooyin ka imaanayay waxgarad, odayaal iyo ganacsato oo ku aaddan in culeysyo ay kala kulmaan Ahlu Sunna oo dagaal siyaasadeed kula jirta dowlad goboleedka Galmudug oo hadda xaruntiisa KMG ah ay tahay magaalada Cadaado.

Goobjoog News