U bood dhigaalka

Kulamo Looga Hadlayo Dhameystirka Maamulka Hirshabella Oo Ka Socda Jowhar

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe waxaa ka soconaya kulamo kala duwan oo looga arrinsanayo dhameystirka maamulka Hirshabelle.

Xubno ka socda dowladda Federaalka, IGAD, waxgarad iyo xildhibaannada Hirshabelle ayaa kulamadaasi siyaabo kala duwan u qaadanaya, waxayna ay ka shirayaan sidii loo dardar gelin lahaa dhameystirka maamulkan cusub.

Shalay waxaa magaalada Jowhar lagu dhaariyey xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulka Hirshabelle, waxay dooran doonaan guddoomiye Baarlamaank iyo ku xigeennadiisa, sidoo kalena waxay dooran doonaan madaxweyne.

Sida qorshaha uu yahay 15-ka bishan ayaa la doonayaa in maamulka Hirshabelle yeesho madaxweyne, sidaasina waxaa ku dhameystirmaya hannaanka maamul goboleedyada ee dalka.

Maamulka Hirshabelle waxaa kasoo horjeeda beelaha dega gobolka Hiiraan qaarkood, kuwaasi oo sheegaya iney u arkaan maamulkaan mid dhismahiisa loo maray waddo qaldan.

Goobjoog News