U bood dhigaalka

Kulan Amniga Looga Hadlayay Oo Ka Dhacay Degmada Bandarbeyla, Bari

Sheeko:Dalka

Kulan looga hadlayay xoojinta ammaanka iyo wada shaqeynta ciidamada iyo shacabka ayaa lagu qabtay degmada Bandarbeyla ee gobolka Bari.

Kulankani ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi, saraakiil ciidan iyo shacabka degmada Bandarbeyla.

Saraakiisha booliska ee Puntland ee ku sugan degmadaasi oo soo agaasimay kulanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo ammaanka si looga hortago falal lid ku ah amniga oo degmada ka dhaca.

Guddoomiyaha degmada Bandarbeyla Saciid Anteena ayaa sheegay in shacabka iyo booliska markii ay wada shaqeeyaan laga hortagi karo falalka amniga liddiga ku ah.

Dadka shacabka ah ayuu ka codsaday in ciidamada boolisku ay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan xagga amniga.

Dhanka kale, saraakiisha booliska degmada Bandarbeyla ee maamul goboleedka Puntland oo kulanka ka hadlay ayaa ballan qaaday xoojinta ammaanka degmadaasi.

Kulankani amniga degmada Bandarbeyla oo laga hadlayay oo degmadaasi lagu qabtay ayaa ku soo aadaya iyadoo degmooyin ka tirsan gobolka Bari ee Puntland ay la wareegeen koox hubeysan oo isu sheegtay inay ka tirsan nimanka Daacish la yiraahdo.

Degmada Qandala waxaa hadda maamulaya dagaalyahanno hubeysan oo Daacish ah taasoo Puntland ka fiirsanayso in degaanno kale ay sidaas ula wareegaan kooxdaasi, waxaana degmada Bandarbeyla ay lamid tahay Qandala oo waa magaalo xeebeed iyadana taasoo ka dhigan in Daacish ay si fudud ay ula wareegaan.

Goobjoog News