U bood dhigaalka

Kulan Amniga Looga Hadlayey Oo Ka Dhacay Dhuusamareeb, Galgaduud

Sheeko:Amniga

Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay kulan looga hadlayey amniga Galmudug, gaar ahaan magaaladaasi.

Kulankan waxaa ka qeybgalay wasiirka amniga Galmudug iyo saraakiisha ciidamada, iyadoo diiradda lagu saaray howlgallada ay ciidanku ka wadaan magaalada Dhuusamareeb.

Saadaq Sheekh Yuusuf, wasiirka amniga Galmudug ayaa faray saraakiisha laamaha ammaanka iney xoojiyeen howlgallada ammaanka lagu sugayo, kana feejignaadaan wax walbo oo bulshada dhib u keeni kara.

Kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday sidii loo ciribtiri lahaa waxyaabaha maanka dooriya, kadib markii ay ciidanku ku qabteen Dhuusamareeb Qamri aad u badan.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa aad  u adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay ka socdaan howlaha lagu dhisayo Galmudug.

Goobjoog News