U bood dhigaalka

Kulan dadka looga wacyi gelinayo cudurada ka dhashay biyaha iyo raashiinka oo ka dhacay Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Kulan looga hadlayay sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa cudurada ka dhasha biyaha iyo cuntada ayaa maanta ka dhacay Jaamacadda Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaan waxaa soo qaban qaabiyay jamciyadda asal, waxaana kasoo qey galay in ka badan 200 oo arday, kuwaa oo ka kala yimid dugsiyada gobalka Banaadir.

Professor Cabdullaahi Maxamed Xaamud oo ka tirsan jaamacadda Jasiira ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka taxadar inay ka yeeshaan biyaha iyo raashiinka ay isticmaalayaan.

Waxa uu sheegay in biyaha ay soo qaadi karaan jeermis, ama noole cudur dhaliye ah, isaga oo carabka ku dhuftay ilaa adar cudur oo mar walba ka jira dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Professor

Muqdisho News