U bood dhigaalka

Kulan Dhex Maray Mas’uuliyiinta Aqalka Sare Iyo Wakiilka Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi, Ku xigeenkiisa 1aad mudane Abshir Maxamed Axmed, habdhowraha guud ee golaha iyo Senatarro kale ayaa maanta xarunta aqalka kula kulmay wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Qaramada-midoobay Somaaliya Mudane Nicholas Haysom.

Kullanka Aqalka sare iyo Nicholas Haysom ayaa looga wada-hadlay sidii ay u wada shaqayn lahayeen Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, kulan ay shalay yeesheen guddiga joogtada ah ee aqalka sare waxaa lagu go’aamiyey in kalfadhiga golaha uu furmo 15-ka bisha October 2018.

Goobjoog News